Xaalad Deganaasho Oo Caawo Laga Daremaya B.weyne Kadib Dagaal Maalintii Labad Ka Dhacay

0
334

Xaalad daganasho caga badan ku taagneyn ayaa laga dareemaya caawo Xaafadda Howlwdaag ee Magaalada Baladweyne kadib dagaal Culus oo malintii labaad ku dhaxmarayay Ciidamo maleeshiyada ah islamarkana sababay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhawac,

Inkasto mararka qarkood la maqlayo Xabado Goos Goos ah oo ay is weydarsanayan dhinacyadii colaadu udhaxeysa ee ku dagaalamay Xaafadda Howlwadaag ayaa haddana Xaaladda ay tahay  mid degan iyado Ugaas cabdiraxmaan Ugaas khaalif iyo odayasha dhaqanka Gobolka Hiiaran ay ku dadaalayan sidii loo soo afjari laha Xiisadan ka soo dhax Cusboonatay labo beelood oo wada dega Galbeedka Magaalada Baladweyne,

Ciidamada Maleeshiyada labada dhinac ayaa wali isku horfadhiya Goobihii maanta lagu dagalamay iyado mar kaste la filn karo iska horimaad dhaxmar dhinacyadan isku haya Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Baladwyene,

Dagalka oo maalintii labaad ka socda Xaafadda Howlwadaag ayaa marka laga soo tago ka khasaaraha soo kala garay dhinacyada dagalamaya waxaa jira dad shacab ah oo ay wax yeelo ka soo gaartay Rasaasta ay is weydarsanayan labada Maleeshiyo beeleed waxana marba mark aka dambeysa sii siyaadaya qasaaraha,