Xabaallo wadareed laga helay magaalada Mandheera

0
421

Wararka laga helayo magaalada Mandheera waxay sheegayaan in la helay xabaal ay ku jiraan ugu yaraan 12 mayd ah.

Senetarka Mandheera Bilow Keerow ayaa muujiyay walaaca uu ka qabo in lagayaabo in laamaha ammaanku ay dileen dadkaasi iyaga oo ugaarsanaya dadka taageersan malayshiyada Al-Shabaab.

Xabaashaasi waxaa la helay iyada oo la raadinayo hooyo shan ilmood dhashay oo la sheegay in ay la tageen rag isku sheegay in ay boolis yihiin.