Xanta Suuqa Yurub: Liverpool Oo Sedex Laacib Bisha Janaayo Lasoo Saxiixan Doonto Iyo Mustaqbalka Alberto Moreno Oo Calaamo Su’aal Saaran

0
539

Diego Lopez

Kooxda Liverpool ayaa la sheegay inay bisha Janaayo suuqa Yurub ku mashquuli doonto si ay ula soo saxiixato xidigo tayo wanaagsan ee garoonka Anfield wax kusoo kordhin karaan.

Wargeska The Mirror ayaa qoray in kooxda Liverpool ay dalab rasmi ah u gudbisay Raphael Guerreiro oo garabka bidix ee daafaca kaga cayaaro naadiga Lorient ee dalka France ka dhisan.

Raphael Guerreiro oo u dhashay dalka Portugal qandaraaska uu kooxdiisa Lorient kula joogo ayaa ka harsan mudo 18-bilood sidaa darteed kooxda reer France diyaar ayay u tahay inay bisha Janaayo iibka xiidgan Liverpool kala xaajooto.

21-jirkan ayaa lagu wadaa inuu badal u noqdo Alberto Moreno oo Real Madrid dalab ka helay sidoo kalena doonayo inuu La Ligaha Spain dib ugu laabto.

Dhinaca kale Liverpool ayaa la xariirtay goolhayaha 34-jirka ah ee kooxda AC Milan ka tirsan Diego Lopez waxayna Reds dooneysaa in goolhayahan uu booska kowaad loolan kula galo Simon Mignolet.

Ugu dambeyntii Liverpool waxay la xariirtay xidiga reer Jarmal ee naadiga Galatasaray ka tirsan Kevin Grosskreutz waxaana si gaar ah u dalbaday macalin Klopp madaama ay xidigan kooxda Dortmund wada joogi jireen.