Xildhibaankii Ugu Horeyay Oo Kahadlay Dagaalka Ka Socdo Magalada Baladweyne

0
453

Cabdulqaadir Sh. Xanafi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Sh/dhexe    ayaa ugu baaqay beellaha ku dagaallamaya xaafadda Howl-wadaag ee Beledweyne in ay joojiyaan dagaalka wixii khilaaf ah ee jirana ku dhameeyaan wadda -hadal.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay waxgaradka labada beellood ee dagaallamaya in ay caqliga kaashadaan, madaama dagaallada soconaya khasaare wax aan aheyn laga faa’idi doonin.

Dhinaca kale xildhibaan Xanafi ayaa ku eedeyay dowladda Somalia, gaar ahaan wasarrada arrimaha gudaha iyo federaalka in ay ka gaabiyeen wax ka qabashada dagaallada maalintii labaad ka soconaya magaaladda Beledweyne, iyadoo la og-yahay ayuu yiri juhdiga iyo dadaalkii  faraha badnaa oo ay ku bixisay dagaalladii dhawaan ka dhacay Gaalkacyo.

”Waxaa leenahay dowladda Somalia doorkeedii joojinta dagaallada Beledweyne ma aysan qadan, si la mid ah siddii loogu gurmaday dagaallkii dhawaan ka dhacay Gaalkacyo oo ay isugu tageen wafuud ka soctay dowladda iyo beesha caalamka, mas’uuliyada dhibaatada ka taagan magaalada Beledweyne dabcan waa lagula xisaabtamayaa dowladda,” ayuu yiri Xildhibaan Xanafi.

Gabagabadii  xildhibaanka ayaa uga mahad celiyay Ugaas Cabdi raxmaan  Ugaas Khaliif iyo guud ahaan odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan sidda ay mar walba nabada ugu taagan yihiin, isaga oo ka codsaday in ay xoogga saraan siddii loo dhameyn lahaa colaada beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.

Xildhibaan Cabdulqaadir Sh. Xanafi