Xildhibaano ka soo horjeestay go’aankii Gudoomiyaha G/Banaadir uu ganacsato ugu Wareejiyay Xaruntii Ex-Baarlamaan

0
380

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa ka soo horjeestay go’aan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu shalay Xaruntii hore ee Baarlamaanka ugu wareejiyay Ganacsade Soomaaliyeed oo dib u dhis ku sameynaya.

Xildhibaannada ayaa sheegay in dhismahaasi uu yahay mid qaran,Xildhibaannadana ay gaar u leeyihiin,waxaa ay Guddoonka Baarlamaanka ka codsadeen in arrintaasi uu guddi u saaro.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale Gudoomiyaha gobolka ku eedeeyay in dhul dowladeed uu ku wareejiyay gacansato iyo Hay’ado gaar ah isla markaana aysan aqbali doonin oo ay sharciga la tiigsanayaan.

Shalay ayay ahayd Markii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu ganacsato Soomaaliyeed ku Wareejiyay Xaruntii hore ee Baarlamaanka, waxaana ganacsatada lagu Wareejiyay ay sheegeen iney goobtaasi ka dhigayaan meel lo soo dalxiis tago