Xoghayihii hore ee Ururka Saxafiyiinta qaranka oo isku day dil ah ka bad baaday.

0
394

Xoghayihii hore ee ururka Suxifiyiinta qaranka ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa ka badbaaday weeray lagu qaaday xilli uu marayay meel aan ka fogayn guri uu deganaa oo ku yaalla degmada Hodon, gaar ahaan Carwadii Qaranka.

Cumar Faaruuq oo weerarka ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay koox wadatay gaari yar ay soo weerareen, isaga oo magaalada ka yimid oo galaya xafiiskiisa.

Waxa uu sheegay in kooxda weerarka kusoo qaaday ay ahaayeen saddex dabley ah,islamarkaana rasaas ay ku fureen,ka dibna ilaalo isaga uu watay ay iska caabin ku sameeyeen.

Cumar Faaruuq ayaa sheegay in mid ka mid ah ilaaladiisa uu dhaawac soo gaaray halka ruux kalana uu dhaawac ka soo gaaray weerarka,kuwaasi oo dhaawacooda hada la dhabiibayo.

Ilaa iyo hada lama oga cida ay ka tirsan yihiin kooxaha weerarka ku qaaday Cumar Faaruuq,waxaana durbadiiba goobta weerarka uu ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya.