Xukumada somalia oo ku baaqday in dib loo bilaabo wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland

0
374

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ku sugan dalka Switzerland ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wada hadalkii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

Mr Carte ayaa sheegay inay muhiim tahay in la isu tanaasulo, lana kala roonaado, isagoo tilmaamay in qofkii qaldan la saxo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in siyaasada ay noqoto mid isu tanaasul iyo dhex dhexaad, isla markaana aanay noqon mid xaqjirnimo ku jirto, si xal iyo dib u dib u heshiisiin loogu soo dabaalo.

Wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland ayaa wali hakad ku jira, iyadoo wada hadalada ay fashilmeen bartamihii sanadkan markii Guddiyo ka kala socday labada dhinac oo isugu tagay Istanbul uu shirkooda qabsoomi waayay, markii Somaliland ay diideen inay la fariistaan xubno ka mid ah Guddigii dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen in deegaanadooda ka soo jeedaan.