50malyan oo Dollar ayey abaalmarin u heshay Dowlada Soomaaliya markii ay goysay xiriirka Iran

0
282

Dowlada Soomaaliya ayaa abaalmarin uga heshay Boqortoyada Sacudi Carabiya lacag gaareysa konton malyan oo dollar maalintii ay ku dhowaaqday inay jartay xiriirka diblumaasi ee dowlada Iran.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegtay inay heshay dukuminti muujinaya lacagtan la siiyay dowlada Soomaaliya. Dowlada Soomaaliya ayaan illaa iyo hadda wax jawaab ah ka bixin warkan ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters.

Dukuminti ay u dirtay safaarada Sacudi Carabiya ee magaalada Nairobi safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa kamuuqday qoraal ah in $20 million ay ku taageerayso miisaaniyada dalka Soomaaliya halka $30 million ay ku bixinayso maagelinta dalka Soomaaliya.

Qarashkan ayaa waxaa bixinaya sanduuqa u qaabilsan horumarinta ee dalka Sacudi Carabiya sida qoraalka la arkay kuna taariiqeysnaa Jan 7 oo ah isla maalintii ay dowlada Soomaaliya u jartay xiriirka dalka Iran.

Dowlada Soomaaliya ayaa jartay xiriirka hore ugala dhexeeyay dowlada Iran iyadoo ku eedeysay xukuumada Iran in ay farogelin ku sameysay ammaanka qaranka, waxana loo qabtay muddo 72 saacadood ah diblumaasiyiinta Iran inay magaalada Muqdisho ugaga baxaan.

Reuters ayaa daabacday in wasiirka Maaliyada Soomaaliya Maxamed Aden Ibrahin uu ka gaabsaday in uu ka hadlo lacagtan loogu yaboohay dowlada Soomaaliya balse waxa uu sheegay in gargaarka maaliyadeed ay boqortoyada sacudi carabiya siiso dalka Soomaaliya uusan wax xiriir ah la lahayn mowqifka dowlada Soomaaliya ee dalka Iran.

“Xiriirka nagala dhexeeya Sacudi Carabiya waxa uu ahaa mid waqti dheer soo jirey mana aha mid hadda bilowday,”ayuu wasiirku u sheegay Reuters.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Abdusalam Omar ayaa u sheegay Reuters in dhaqaalaha ay ka heshay dowlad Soomaaliya Sacudi Carabiya uu ka horeeyay khilaafka dalka Iran.