Al-Shabaab oo sheegatay weerarkii ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho

0
979

Ururka al-Shabaab ayaa gor dhow sheegtay inay mas’uul ka yihiin weerarkii lugu qaaday xeebta damaashadka loo tago ee Liido oo ka tirsan magaalada Muqdisho,sida lugu baahiyay warbaahinta afkooda ku hadasha.

Dagaal-yahanno daacad u ah ururka ayaa gaari laga buuxiyay qaraxyo iyo weerar toos ah ku qaaday xilli ay dad badan ku sugnaayeen xeebta Liido,waxaana rasaas la beegsadeen dadkii ku sugna maqaayada Beach View Cafe, oo loo qado iyo casariyo tago.

Afhayeen u hadlay al- Shabaab , Cabdulcasiis Abu Muscab , ayaa sidoo kale u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in dagaal-yahanno ka tirsan al-Shabaab ay ka dambeeyeen weerarka, isagoo leh makhaayad lala beegsaday ayaa ah View Beach ee Cafe .