Al-Shabaab Oo Weerar Qasaaro Geestay Ka Fulisay Gudaha Dalka Kenya

0
381

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay galinkii dambe waxa ay weerar culus ku qaadeen kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamada Kenya xili ay marayeen deegaanka Milimani oo katirsan Lamu.

Weerarka ayaa ahaa mid dhabo gal ah ay fuliyeen dagaalyahano katirsan Al-Shabaab, waxaana deegaanka Milimani ka dhacay dagaal culus oo dhax maray Ciidamada Kenya iyo kuwa A-Shabaab ee halkaasi weerarka ku qaaday.

Saraakiil katirsan Al-Shabaab ayaa laga soo xigtay in weerarkaasi ay qasaaro ku gaarsiiyeen ciidamada Kenya ayna halkaasi ku dileen tiro askar ah sidoo kale ay gubeen gaadiid dagaal ay wateen Ciidamada Kenya.

Dowlada Kenyan ayaan dhankeeda ka hadlin weerarka shalay galinkii ka dhacay deegaan katirsan Lamu, waxaana mudooyinkii dambe gudaha dalka Kenya kusii xogeesanayay weerarana ka fulinayay dagaalyahano katirsan Al-Shabaab.