Amaanka Dalka Masar Oo La Adkeeyay Kadib Markii…..

0
556

Waxaa jidadka magaalooyinka  dalka Masar jooga ciidan iyo boliis badan, si looga hortago in la sameeyo mudaaharaadyo shan guuradii ka soo wareegtay kacdoonkii lagu riday madaxweyne Xusni Mubarak.

Waxaa xooga la saareay Taxrir Square ee Qahira, halkaasoo xarun u hayd mudaaharaadyada.

Maalmihii ugu danbeeyay, ilaa shan kun oo guryo ayaa magaalo madaxda boliisku baaray, iyagoo raadinaya dad qorshaynaya banaanbaxyo.

Kooxaha xuquuqda bini’aadanka ayaa sheegay in xaalada Masar ay hadda ka sii darayso.

Amnesty International ayaa sheegtay in waddanka uu ku noqday waddan xukun adag, markuu xukunka qabtay Cabdul Fatax al Sisiiyo in rajadii kacaanka la baabi’iyay.