Aqriso Awood Qeybsiga Belaha Dega Gobolada Hiiraan Iyo Sh/Dhexe Iyo Sida Loogu Qeybiyay

3
1752

Qaar ka mid ah beelaha dega gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa ka biyo diiday qaabka ay u qeybisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oday dhaqameedyada soo xulaya ergada ka qeybgalaysa shirka maamul u sameynta Labada Gobol.

Wasiirka Arrimaha gudaha dowlada federalka Soomaaliya C/maan Maxamed Xuseen Odowaa oo gaaray gelinkii dambe ee shalay magaalada Jowhar oo shirar kala duwan la yeeshay oday dhaqameedyada iyo mas’uuliyiitna maamulka labada gobol ayaa hordhigay qaabka ay u qeybsanayaan beelaha oday dhaqameedyada soo xulaya ergada ka qeybgalaysa shirka.

Kulankii Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo wasiirada kale ee ay la yeesheen odayaasha dhaqanka ayaa ku dhamaaday buuq, waxaana dib u dhac ku yimid shir jaraa’id lagu soo bandhigi lahaa habka ay u qeybisay Wasaaradda tirada odayaasha soo xulaya ergada, waxaana taa bedelkeed la qeybiyay qoraalo ay ku qoran yihiin habka beelaha loogu qeybiyay.

Egadii hore uga tagay gobolka Hiiraan ayaa isaga soo baxay xaruntii ay ku xareysnaayeen ee loogu talogalay in ergada lagu xareeyo kadib markii ay maqleen qaabka loo qeybiyay oday dhaqameedyada soo xulaya ergada.

Halkan waxa idinku soo gudbinaya sida beelaha labada gobol loogu qeybiyay xubnaha Odayaasha ee soo xulaya ergooyinka:-

ABGAAL——————- 15-XUBIN

XAWAADLE————– 15- XUBIN

GAALJECeL————— 6-XUBIN

GUGUNDHABE——— 6-XUBIN

JAREERWEYNE——– 6-XUBIN

HABARGIDIR———– 5-XUBIN

UDEEJEEN————-   2 XUBIN

MOOBLEEN————  2 XUBIN

DIR———————– 2 XUBIN

SHIIKHAAL————- 2-XUBIN

REER OWXASAN———2-XUBIN

HILIBI————————-2-XUBIN

YAXAR—————— ——-2-XUBIN

CARAB———————— 1-XUBIN

Comments are closed.