Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan oo la heshiisiiyay Kadib Makrkii U dhax ,,

0
567

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa maanta dhex dhexaadiyay Madaxweynayaasha Maamulada Koofur Galbeed iyo Jubbadland Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyay u dhaxeeyay kala aragti duwanaan.

Kulankan oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ka dambeeyay markii labada maamul uu soo kala dhex galay khilaaf ku aadan maamulkii looga dhawaaqay Ceelbarde ee loogu magac daray Bakool Sare, iyadoo Koofur Galbeed ku eedeysay Jubbaland inay taageereyso mamulkaas.

Madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe ayaa saaka u soo gaaray magaalada Muqdisho wada hadalada lagu dhex dhexaadinayo isaga iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa garwadeen ka ahaa shirkan, iyadoo lagu dhameeyay wixii kala aragti duwanaan ahaa ee labada Madaxweyne u dhaxeeyay, waxaana si wada jir ah u sheegeen inay ka qeyb galayaan shirka ka dhacaya Kismaayo 11-ka bishan.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu diiday inuu ka qeyb galo shirka Kismaayo, kadib markii Maamulka Jubbaland ku eedeeyay inuu taageeray Maamulka Bakool Sare.

madobe-sakiin