Axmed Madoobe oo isku keenaya Maamulada Puntland iyo Galmudug

0
409

Axmed Madoobe oo isku keenaya Maamulada Puntland iyo Galmudug

Madaxweynaha Maamulka Jubba Land Axmed Max’ed Islaam Axmed Madoobe,ayaa sheegay in ujeedka socdaalkiisa magaalada Cadaado ay qeyb ka tahay dhameystirka Heshiiskii magaalada Gaalkacyo ay ku gaareen Maamulada Puntland iyo Galmudug,kaasi oo Heshiis kama danbeys ah laga gaaro dagaaladii dhacay.

 

Wuxuu sheegay Axmed Madoobe in magaalada Kismaayo ay ka fidsan tahay gogosha dhameysta Heshiiskii Gaalkacyo,isagoo hadalkiisa intaasi ku daray in Jubba Land door muhiim ah ka qaadaneyso dadaalad la isugu keenayo Puntland iyo Jubba Land.

 

Sidoo kale,Axmed Madoobe ayaa hoosta ka xariiqay in shirka 10-ka bishan ka dhacaya Kismaayo uusan quseyn gogosha kale ee la isugu soo dhaweynayo C/wali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guuleed si loo dhameystiro wixii ka haray heshiiskii lagu gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo labo dhinac u qeybsan.

 

 

 

Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug ayaa dhamaadka sanadkii tagay ee 2015-ka ku dagaalamay magaalada Gaalkacyo,waxaana dagaalkaasi uu sababay qasaaro isugu jira dhimasho,dhaawac iyo Barakac dadka deegaanka ay sameeyaan,waxaana durbadiiba ku baxay Dowlada Federaalka iyo qaar ka mid ah maamul Goboleedyada dalka si xal looga gaaro dagaalkaasi.

 

Madaxweynaha maamulka Jubba Land ayaa shalay gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug,halkaasi oo uu kula kulmay madaxda maamulkaasi ugu horeeyo madaxweynaha C/kariin Xuseen Guuleed.waxayna ka wada hadleen arimo quseeya xaalada Labada maamul iyo waliba