Bahda Warbaahinta All Hiiraan.com Ayaa Ka Tacsiyeyay Geeridii Kutimad Ugaas C.raxaam Ugaas khaliif

0
599
????????????????????????????????????

Eng ABdifitah Ali Xaaji Shirwac oo ka tacsiyeeyay Geerida Ugaaska

Warbaahinta Maxaliga ee All-Hiiraan, wariyaasha holwadeenadda iyo Agaasimaha waxaa ay ka tacsiyeeynayaan geeridii ku timid Alle ha u naxariisto Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ku geeriyooday Magaaladda Baledweyne ee Xarunta Gobollka Hiiraan.

Iyaddoo ay geeridu xaq tahay ay haddana midda ku timid Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ay si wayn u taabanayso wariyaasha, holwadeenadda iyo agaasimaha warbaahinta All Hiiraan, waxaana rabi uga baryeeynaa inuu Janatul Fardowso Geeyo Ugaas Cabdiraxmaan.

Haddii aanu nahay bahda warbaahinta All Hiiraan waxaan tiiraanyadda iyo murugadda la qabaa dhamaan Umadda Somaaliyeed, gaar ahaan Bulshoweynta Reer Hiiraan iyo Qoyska uu ka baxay Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Rooble oo ku geeriyooday Magaaladda Baledwyene.

Ugu dambeyntii waxaan rabbi uga baryeeynaa inuu Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Roble uu janatul Fardowso Geeyo, Aamin Aamin Aamin.

Wabilaahi Towfiiq.