Beesha caalamka oo hoggaamiyayaasha ugu baaqday si deg deg ah inay ku soo gudbiyaan hab doorasho oo la isku raacsan yahay oo ka dhacda Soomaaliya

0
347

Mar kale waxaa loo sheegay dowladda talada haysa inan waqti loogu dari doonin,halka sidoo kale hoggaamiyayaasha Soomaalida loo soo jeediyay si dhaqso ah inay ku soo gudbiyaan hab doorasho oo la isku raacsan yahay oo ka dhacda Soomaaliya,sida waxaa lugu sheegay bayaan ka soo baxay beesha caalamka oo taageerta Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska gaar ah ee u qaabilsan Qaramada Midoobay Soomaaliya oo lugu magacaabo UNSOM ayaa lugu sheegay in kulankii ay madaxweyne Xasan Sheekh, RW Sharma’arke iyo Guddoomiye Jawaari la yeesheen shalay Wakiillo ka kala socday QM, IGAD, Midwoga Yurub, Mareykanka, UK, Sweden iyo Talyaaniga ay ku caddeeyeen rajadooda ah inay maalmaha soo socda soo gud-biyaan hab doorahso oo la isku raacsan yahay.

Taageerayaasha Soomaaliya,waxaa kalo ay sheegeen inay  ka filayaan mas’uuliyiinta Soomaaliya qorshe cad iyo qariidad siyaasadeed oo Soomaaliya loo dajiyo sannadaha 2016-ka illaa 2020-ka, taasoo ah waxay hoggaamiyayaasha Soomaalida isku raaceen intii uu socday kulankii madasha wadatashiga qaran ee Muqdisho ka dhacay 16-kii bishii December ee sannadkii hore.

Xubnaha beesha Caalamka ayaa intaas ku daray inay soo dhaweynayso Wadahadalladii ka dhacay Kismaayo iyo farqiga u dhaxeeya hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee sii yaraanaya, markay timaaddo habka doorashada ee sannadka 2016-ka.

Waxaa kalo bayaanka lugu muujiyay sida ay caalamka uga niyad jabsan-yihiin inan wax heshiis ah lagu gaarin shirkii Kismaayo, haddana waxay soo dhaweneyso in horumar laga sameeyay wada-hadallada.

Madaxda Soomaalida,waxuu u sheegay bayaanka inay danta qaranka ka hormariyaan wax walba; isla markaana ay ka rajeynaynaan hoggaanka dalka inay go’aan ka gaaraan nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa, ka hor kulanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo dhacaya 28-ka bishan Jannaayo iyo shirka Midowga Afrika ee oo maalmaha kaddib ka dhici doona Addis Ababa xarunta dalka Itoobiya.

Magaalada Kismaayo ayaa maalmo ka hor waxaa ku soo dhammaaday shir laga sugayay in lugu go’aamiyo jidka loo qaadayo doorashada dhacaysa,balse halka go’aanka la sugayay waxaa ka soo baxday inay ku kala istaagan hoggaamiyayaasha Soomaalida,sidana uu shirka ku dhammaado natiijo la’aan.