Booliska Mombasa oo gacanta ku dhigay hub badan

0
583

Ciidanka booliska dalka Kenya ee ka howlgalla magaalada dekedda ah ee Mombasa ayaa gacanta ku dhigay kayd hub lugu qariyay,sida uu sheegay sarkaal booliska ka tirsan.

Kadydka hubka ee boolisku qabteen,waxaa lugu sheegay inuu yahay mid ballaaran oo muddo lugu xaseynayay hub sharci darro ah.

Booliiska, ayaa soo saaray sawirada afar qof oo laga shakisan yahay oo lagu eedeeyay in loo raadinayo sababo la xiriira hubkan la helay.

Waxaa kalo ay booliska soo gudbiyeen hubka ay qabteen oo ay ka mid ahaayeen qoryo iyo ilaa konton qasnadood oo rasaas ah, walxo qarxa iyo 11 telefoonada gacanta ah.

Booliiska ayaa sheegay in dadka laga shakisan yahay ay ka tirsan yihiin kooxda Islaamiga ah ee al-Shabab.

Ururka al-Shabaab ee ka dagaallama gudaha Soomaaliya iyo dhulka xadka ku yaalla ayaa muddooyinkii dambe siyaadinayay weerarrada uu ka fulinayo gudaha dalka Kenya.