Ciidama Booliska Dalka Kenya Oo Gacanta Ku Dhigay Salgaal Katirsan Al.shabaab

0
632

Booliska dalka Kenya  ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen Sarkaal ka tirsan Ururka Shabaab, gaar ahaan kuwa ka howlgala Gobolka Xeebta ee dalka Kenya.

Ciidamada Booliska waxa ay sheegeen howlgal ay ka sameeyeen Jimcihii guri ku yaallo Magaalada Mombasa inay ku suuragashay soo qabashada Sarkaalkaan ka tirsan Shabaab ee u dhashay dalka Kenya.

Ninkaan ay qabteen ciidamada Booliska Kenya, ayaa lagu magacaabaa Ikirima Shosi , sidoo kale ninkaan waxaa loo haystaa inuu ka dambeeyay Dilka Sarkaal ka tirsanaa Sirdoonka dalka Kenya oo sanadkii la soo dhaafay lagu dilay dalkaasi.

Ikirima Shosi , ayaa ka baxsaday howlgal Booliska ay qaadeen 5-tii Bishan, balse shalay ayaa suuragashay in gacanta lagu soo dhigo.

Ciidamada Booliska waxa ay sheegeen inay wadaan Baaritaanka la xiriira Ninkan iyo rag kale oo baxsaday, waxaana Ikirima Shosi laga doonayaa macluumad badan oo ku saabsan ragga baxsaday iyo Shabaabka Mombasa ka howlgala.

Al.Shabaab ayaa weeraro ka geysta Gobolka Xeebta ee dalka Kenya, iyaga oo halkaasi ku dila dadka Dowladda Kenya la shaqeeya iyo kuwa aanan Muslimka aheyn.