Ciidamada Dowlada Kenya Iyo Kuwa Dowlada Oo Goordhaw La wareegay Deegaanka Ceel Cadde

0
319

Wararka ka laga helayo  Gobolka Gedo ayaa sheegaya in  maanta Ciidamado aad u hubeesan oo katirsan Milatariga Dowlada Kenya oo garab ka helaya Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay gaareen Deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.

Ciidamadan ayaa wada howlgalo ay ku baadi goobayaan Ciidamo katirsan Dowlada Kenya oo lagu waayay weerarkii dhawaan Al-Shabaab ku qaadeen xero ay ciidamada milatriga Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel Cadde.

Sida aan Wararka ku heleyno Ciidamada Kenyanka ah ee gaaray Deegaanka Ceel Cadde ayaa fariisimo ka sameestay dhoor bar oo kuyaala Deegaankaasi, dadkii ku noolaa Deegaanka ayaana isaga barakacay kadib dagaalkii cuslaa ee halkaasi ka dhacay.

Ciidamada Milatariga Kenya ayaa deegaanka Ceel Cadde iyo deegaano kale kawada baadi goob ay ugu jiraan askar looga dilay Weerarkii Jimcihii dhacay iyo kuwa kale oo la sheegay in ay ku firxadeen dhinaca howdka.

Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo halkaas ay kala wareegeen Ciidamada Kenya, Al-Shabaab ayaana intii ay joogeen Ceel Cadde waxa ay horey u qaateen gaadiid iyo hub ay ka heleen Xeradii ciidamada Kenya ee ka qabsadeen.