Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia oo dulaan ku ah Jubbada Dhexe

0
425

Talafishinka qaranka Ethiopia ayaa sheegay in wasiirka arimaha dibada Ethiopia Tedros Adhanom oo ku sugan magaalada Kismaayo uu kula kulmay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke,waxana ay ka wada hadleen diyaar garowga ugu dambeeya ee lagu doonayo in Xarakada Al-shabab looga saaro degaanada wali ay kaga harsan tahay Koonfurta Soomaaliya oo ay ugu horeeyso Jubbada dhexe.

Todobaad ka hor ayay ahayd markii ay dufcadii ugu horeeysay oo ciidamo Ethiopian oo qeyb ka ah kuwa AMISOM ay tageen Kismaayo si ay uga qeyb qaatan howlgal la filaayo in lagu galo gobolka Jubbada dhexe iyo degaano yar oo ay gacanta ku hayaan Dagaalamayaasha Al-shabab.

Talafishinka ayaa soo xiganaya hadalka Wasiirka oo sheegaya “joogitaanka ciidamada Ethiopia ee Kismaayo waxa ay qeyb ka tahay in ay taageraan ciidamada Soomaaliya dagaalka ay kala horjeedaan Xarakada Al-shabab”.

Tedros ayaa shaaca ka qaaday in Xarakada ay khtar weyn ku tahay gobolka iyo gaar ahaan Ethiopia amaankeeda.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Soomaliya Cumar Cabdirashid ayaa ku aamanay Ethiopia gacanta ay ka siinayso dib usoo celinta xasiloonida iyo nabadda dalka.

Ku dhawaad 300-askarta Ethiopia oo gaaray Kismaayo ayaa qeyb ka qaadan doona fududeenta howlgalka Jubba waana dufacdii ugu horeeysay ee halkaasi gaarta.