Ciidamada Israel Oo Baadi Gobaya Ninkii ka Dambeeyay Weerarkii lagu qaaday Magaalada Tel Aviv

0
330

Ciidamada Israel ayaa weli ku jira baaritaano ay ku doonayaan inay ku soo qabtaan nin shalay ku diley maqaaxi ku taal caasimada Israel ee Tel Aviv.

Booliska ayaa baaritaan ka wada dhul ballaaran iyadoo doon doonista ninkan baxsaday ay socotay illaa iyo xalay waxana ay Boolisku baaritaankoodu ay dhinac walba ku raadinayaan.

Weerarkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay illaa toddobo ruux oo ka mid ahaa dadkii maqaaxida ku sugnaa. Afhayeen u hadlay Booliska Micky Rosenfeld ayaa sheegay in ay baaritaan wadaan balse ay u badan tahay in weerarkan uu ahaa fal argagaxiso.

Qofka lagu tuhunsan yahay in uu weerarkan geystay ayaa la sheegay in uu yahay nin 29 jir ah kana mid ah Yuhuuda Carabta ah ee ku nool Waqoyiga Israel, ninkan ayaa wararka ay sheegayaan in uu ka soo xaday qoriga aabihii kaasoo u shaqeeya hay’adaha amniga.

Aabaha dhalay wiilkan ayaa aqoonsaday kadib markii ay soo bandhigeen warbaahinta Yuhuuda muuqaal ay duubtay kaamerada maqaayada uu weerarku ka dhacay kadibna la xiriiray ciidamada Booliska.

Weerarka Jimcihii dhacay ayaa yimid kadib mowjado weerar ah oo ay Falastiiniyiintu ku qaadeen Yuhuuda dhowrkii bilood ee la soo dhaafay