Ciidamada Kenya Oo Qarax Lagula Egtay Gobolka Xeebta Ee Dalka Kenya

0
628

Ku dhawaad lix kamid ah saraakiisha ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa dhintay seddex kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii qarax lala eegtay gaari ay ku safrayeen oo marayay meel duleedka ka ah Gobolka Xeebta ee Lamu.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in weerarka uu dhacay, isagoo intaasi ku daray in qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Kenya wali la weysan yahay, markii qaraxa uu ku haleelay deegaanka Mangai oo Lamu ka tirsan.

Qaraxa markii uu dhacay kadib ayuu sheegay inuu dhacay iska horimaad u dhaxeeyay ciidamada booliska dalka Kenya iyo xoogag hubeysan oo la aamisan yahay iney Alshabaab ka tirsan yihiin.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay iney ku raad-joogaan qaar kamid ah xubnaha booliska ee la waayay markii qaraxa uu dhacay.

Qaar kamid ah saraakiisha dhaawacyada kasoo gaaray weerarka ka dhacay deegaanka Lamu aya la dhigay xarumaha caafimaad ee dalka Kenya, waxaana weerarka uu ku qabsaday deegaan aad u qatar badan, sida uu sheegay sarkaalka u hadlay ciidamada Kenya.

Sarkaalka ayaa sidoo kale laga soo xigtay in deegaankaasi ku xoogan yihiin ciidamada Alshabaab ee ku dhuumaaleysta Kenta Boni oo marar badan ciidamada Kenya isku dayeen iney Alshabaab ka saaraan.