Ciidamada Nabad Sugida Oo Fashiliyay Weerar Lagu Qaadi Lahaa Xerada Xalane

0
801

Warka  Hadda ku soo Dhacay Warqabadka Radio hiiraaweyn ayaa shegaya in Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya Qaasatan Ciidanka Nabad Sugidda ay Fashiliyeen Weerar Lala Damacsanaa Caawa In lagu Qaado Xerada Xalane Ee Magaalada Muqdish.

Ciidanka Nabas Sugidda Qaranka Somaliyeed ayaa Caawa Ka hortagay Falal Amni Dara ah oo Lala Damacsanaa Magaalada Muqdish Falalkaas oo isugu Jiray Qaraxyo Iyo Madaafiic La Donayay in lagu Weeraro Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho

Sidoo kale Sarkaal ka Tirsan Ciidamada Nabad Sugida oo Aan Qadka Telfanka kula xariirnay ayaa inoo Xaqiijiyay in Caawa Weerar Lagu Qaadi rabay Xerada Xalane ay Fashiliyeen Ciidanka Nabad Sugidda oo ku Diyaarsanaa Agagaarka Xirada Xalane .

Dhanka kale Wuxuu Hadalka sii raaciyay Sarkaalka in Ciidamada Nabad Sugida ay arkayn Gaari Caasi ah oo ku meer meersanaya Agagaarka Xirada Xalane Marka ay u Dhaqaaqeen dhanka Gaariga caasiga ah ayuu Wuxuu So Tuuray Caasiga Dhowr Madaafiic ah Waxayna Madaafiicdaas ku Dhacayn Gudaha Badda Waxuuna shegay in gaariga ay sii bursanayaa Si gacanta loogu soo dhigo.

Ugu danbayntii Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliyeed ayaa caawa Magaalada Mugdisho Amingeeda si Xad dhaaf ah u sugayay Waxayna shacabka Magaalada Muqdisho caawa si nabad ah ugu Dagaal dagayn Magaalada Sanadka 2016 iyagoo aan Dareemin Wax Cabsi ah