{DAAO SAWIRADA} Taliska AMISOM iyo Wasiirka Gaashaandhiga Somalia oo kulmay

0
387

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM Gen. Mohammedesha, iyadoo kulankan uu ku wehliyey Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Maxamed Aaden Axmed iyo saraakiil ka tirsan AMISOM. Iyadoo ay ka wada hadleen ammaan guud ee dalka iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa sanadka cusub howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka AMISOM Gen. Zeyinu ayaa Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka X.D.S war-bixin ka siiyey shaqooyinka ciidammada AMISOM ay ka wadaan guud ahaan Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin xasilinta dalka, dhismaha iyo taakuleynta ciidammada Qaranka.

Kulankan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM ay u sii dardargelin lahaayeen howlgallada socda ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab, si deegaanada gobolada dalka looga saaro sanadkan cusub, sida ay Saraakiishu sheegeen.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyey AMISOM sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo dadaaladooda ku wajan in lagu guuleysto xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada dhibaatada ku heysa Soomaaliya.isagoo dhinaca kale tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in mar walba laga faa’iideysto waqtiga.

Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa dhowaan sheegay in dib loo bilaabi doono howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo sanadkii la soo dhaafay uu hakad galay howl galkaas.

1 2 3