{DAAWO MUQAALKA} kulan loogu Duceeyay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo Maanta lagu qabtay Gaalkacyo

1
391

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa maanta ka dhacay kulan ay isku yimaadeen Isimmo,Culummo, Ganacsato, Odayaal, Nabaddoonno, Dhallinyaro iyo Waxgarad, kaasoo ahaa mid loogu tacsiyeeyay ehallada iyo qoyskii ALLAHA u Naxariistee, Ugaas C/rixmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo shalay ku geeriooday magaalada Baladweyne.

Intii uu kulanku socday ayaa la isla qiray in Ugaas C/rixmaan Ugaas Khaliif uu ahaa shaqsi aqoonyahan ah, af-gaaban, inta badana ka qayb-qaata kulamada dib-u-hishiisiinta iyo kuwa lagu wacyi-galinayo bulshada Soomaaliyeed.

Dadkii ka hadlay kulankan ducada ah ayaa marxuum Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ALLE uga baryay inuu Jannatul Fardowso ka Waraabiyo, isla markaana uu kitaabkiisa gacanta midig ka siiyo.

Ugu dambeyn, Waxaa kulanka soo xiray Suldaan Maxamuud X. Ibaarhim [Cag-ma-dhige] oo sheegay in Marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif uu ahaa mid ka mid ah Tiirarkii dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana aysan marna illaawi doonin sidii uga qayb-qaadan jiray Dib u heshiinsiinta iyo Nabadeynta Ummadda Soomaaliyeed.

 

Comments are closed.