{DAAWO SAWIRADA} Banaan Looga Soo Horjeda Dowlada Kenya Oo Ka Dhacay Degmada Balanbal

0
642

Diabad baxaan ballaaran oo loogaga soo horjeeday duqeynta ay diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ka geysteen deegaano ka mid ah gobolka Gedo ayaa maanta ka dhacay degmada Balanbal ee gobolka Galguduud.

Banaanbaxan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka degmada Balanbal waxaana ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ardayda dugsiyada magaalada Balanbal.

Dadka dibadbaxa dhigayay oo dareenkooda laga dheehanayay shucuur aad u kacsan waxayna ku qaylinayeen halkudhagyo ka dhan ah dowlada Kenya kadib markii diyaaradaha dagaalka ay ku dileen dad rayid ah iyo xoolo deegaano kamid ah Jubbooyinka.

Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dab qabadsiiyay Calanka iyo sawirada madaxda dalka Kenya waxaana ay ku qaylinayeen dibad baxayaashu waan kula xisaabtamaynaa Kenya dilka dadkeena ay u geysatay.

Banaan baxan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ka dhaca gudaha dalkaSoomaaliya oo looga soo horjeedo duqaymaha diyaaradaha Kenya ay ka geysteen deegaano kamid ah gobolka Gedo. Duqeynta diyaaradaha Kenya ayaa timid kadib markii horaantii bishan weerar kedis ah lagu qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde oo ka mid ah gobolka Gedo.

bananbax bananbax1 bananbax2 bananbax3 bananbax4 bananbax5 bananbax6 bananbax7