{DAAWO SAWIRADA} Ciidama Ka Socda Dalka Nageria Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

1
638

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho Aadan Cadde waxa kasoo degtay diyaarad waday ciidamo katirsan booliiska Dalka Nageria, kuwaa oo qeyb ka noqonaya Ciidamada booliiska AMISOM ee ka howlgala Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan cusub ee soo gaaray Muqdisho ayaa badal u noqday ciidamo kale oo katirsanaa booliiska AMISOM kana soo jeeday dalka Nageria oo bishii December dalkooda dib ugu laabtay kadib markii ay u dhamaatay waajibaadkooda shaqo.

Saraakiil katirsan Ciidamada booliiska AMISOM ayaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho  kusoo dhaweeyay ciidamadan cusub ee shalay kasoo degay Magaalada Muqdisho, waxaana ciidamadan la dajiyay xarumihii ay baneeyeen ciidamadii dalkooda kulaabtay.

Booliiska AMISOM ee ka howlaga magaalada Muqdisho ayaa gacan siiya ciidamada booliiska Soomaaliya, waxa ayna ciidamadan xiliyada qaar ka qeyb qaataan howlagalada iyo roondooyinka ay sameeyaan Ciidamada booliiska Soomaaliya.

Ciidama Booliska Negira.1jpg Ciidama Booliska Negira.2jpg Ciidama Booliska Negira.3jpg Ciidama Booliska Negira.4jpg Ciidama Booliska Negira

Comments are closed.