{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada Nabad Sugida Oo Howlgalo Ka Sameyay Deegaanka Ceelasha Biyaha

0
596

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgal wadajir a ay ka sameeyeen xaafado katirsan Deegaanka Ceelasha biyaha waxa ay kusoo qabteen hub iyo rag hubeesan oo la tuhamyo in ay xubno ka yihiin Al-Shabaab.

Ciidanka ayaa xalay howlgal qorshresan waxa ay ka fuliyeen xaafado katirsan Deegaanka Ceelasha Biyaha gaar ahaan guryo bartilmaameed u ahaa ciidanka, waxa ayna ciidamada baaritaano ku sameeyeen guryo badan oo kuyaalay Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Mid kamid ah guryihii ay howlgalka ku galeen ciidanka ayaa waxa ay kala kulmeen iska hor imaad, waxa ayna Ciidanka halkaasi ku dileen mid kamid ah ragii hubeesnaa ee dagaalka kala hor yimid halka tira kale iyo hubka ay halkaasi kasoo qabteen.

Sargaal katirsan Ciidanka Nabad Sugida ayaa sheegay in ragan hubeesan ee la qabtay ay qorsheenayeen in ay weeraro ka geestaan magaalada Muqdisho gaar ahana goobaha ay bulshadu ku kulanto.

Howlgalka xalay ilaa maanta ay Ciidanka Dowlada ka sameeyeen Deegaanka Ceelasha biyaha ayaa u muuqday mid bartilmaameed ah , waxaana howlgalka kawada qeyb qaatay ciidanka Milatariga, Booliiska , Nabad Sugida iyo ciidanka AMISOM.