{Daawo Sawirada} Daacish Oo Soo Bandhigtay Ragii Ka Dambeyay Werarkii Paris

0
897

Kooxda Daacish ayaa soo bandhigtay wajiyada ragii ka dambeeyay weerarkii sanadkii hore ka dhacay magaalada Paris ee lagu dilay in ka badan 130-qof oo badankood ay u dhasheen dalka Faransiisa.

Kooxda Daacish Muuqaalka ay soo saartay ayaa waxaa kasoo dhax muuqanaya sagaal nin oo ahaa ragii fuliyay weeraradii kala duwanaa ee ka dhacay Magaalada Paris, ragan ayaana badankood heestay dhalashada wadamada Biljamka iyo Faransiiska.

Muuqaalkan oo la duubay kahor inta uusan weerarku dhicin ayaa ragan waxa ay ku hanjabayeen in ay weeraro ka geesanayaan dalalka ay kasoo jeedaan, waxaana sidoo kale ragan muuqaalka kasoo muuqdeen iyaga oo sameenaya falal argagax leh sida iyaga oo dad gowracaya.

Ragan muuqaalka kasoo muuqday ayaa dhamaantood lagu dilay intii uu socday weeraradii ka dhacay Magaalada Paris, waxaana baxsad ku jira mid kamid ah ragii ku lugta lahaa Weerarkii Paris kaa oo lagu magacaabo Salah Abdeslam.

Daacish 2Daacish

 

Daacish 3