{DAAWO SAWIRADA} Dekeda Boosaaso Oo U Soo Gaaray Qalabkii Lagu Ballaarin Lahaa Dekedaasi.

0
373

Waxaa soo gaaray magaalada Boosaaso qalab horudhac u ah oo lagu ballaarinayo Dekeda weyn ee magaalada Boosaaso.

Dekeda oo doontii siday kusoo xiratay ayaa ,waxaa soo dhaweynta qalabka goobjoog ka ahaa Madaxweyne Kuixgeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey,Madaxda gobolka iyo degmada,xubno kamid ah gollaha Xukuumada iyo dadweyne kale.

Wasiirka Dekedaha,Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Burcadbadeeda Cabdullaahi Jaamac Saalax oo Saxaafada kula haday dekeda ayaa sheegay iney farxad u tahay Ummada reer Puntland iyo Soomaaliweynta adeegsata Dekeda.

Cabdullaahi Jaamac Saalax ayaa sheegay in sannadka sanandkiisa rajeynayaan Deked qiima leh iney helaan Shacabka reer Puntland taasina ay tahay guul soo hoyatay.

Madaxweyne Kuxigeenka  Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar ayaa isna dhankiisa sheegay in ay ka dhabeeyeen ballan qaadkoodii ahaa iney ballaarinayan Dekeda qalabkana uu cadeyn u yahay soo gaaray Boosaaso.

Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar ayaa xusay in shacabku heli doonaan Deked la jaanqaada horumarka dalka ayna noqon doonto laba kacleyntii dekeda Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Gaas ayaa furitaankii garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ka sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan u bilaabaneysa ballaarinta dekeda

DSC_0009 DSC_0016 DSC_0031 DSC_0036 DSC_0040 DSC_0045 DSC_0046 DSC_0051 DSC_0052 DSC_0056 DSC_0069 DSC_0072 DSC_0074 DSC_0075 DSC_0077 DSC_0092 DSC_0101 DSC_0104