{DAAWO SAWIRADA} Dibad Bax Looga Soo Horjeda Nidaamka 4.5 Oo Lagu Qabtay Garoowe

0
535

Dadweyne fara badan oo kasoo hor-jeeda Nidaamka 4.5-ka ah oo shalay la go’aamiyay in lagu soo xulo xildhibaannada baarlamaanka cusub ee 2016-ka, ayaa maanta ka dhacay Fagaaraha Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Shacabka bannaan-baxa dhigayay ayaa waxay qaarkood xirnaayeen dhar laga tolay calanka Puntland, isla markaana watay Boorar ay Qornaayeen erayo looga soo hor-jeedo Nidaamka 4.5-ka, ayaa Warbaahinta u sheegay inaysan raalli ka ahayn Nidaamka Qabiilka ku dhisan; ayna doonayaan in doorashada sannadkan dhacaysa lagu saleeyo hab deegaan, qaabkaas oo ah mid ay aaminsan yihiin inay Soomaaliya gaarsiin karto meel wanaagsan.

Magaalooyin kale oo ka tirsan Puntland ayaa waxaa isla maanta ka dhacay mudaaharaadyo lagu diiddan yahay nidaamkan, kuwaasoo ay soo abaabuleen maamullada degmooyinka ka taliya. Waxayna soo dhaweeyay Go’aanka Madaxweynaha Puntland uu ku Diiday 4.5-ka; iyadoo dibadbaxyadan qaarkood ay ka qayb-galeen siyaasiyiin xilal kasoo qabtay Puntland.

Sidoo kale, qaar ka mid ah Dibadbaxayaasha ayaa iyaguna sheegay in nidaamka 4.5-ka ah uusan Soomaaliya gaarsiin karin dowladnimo dhab ah, waxaanse rabnaa in doorashada soo socota ee sannadkan 2016-ka wax lagu soo doorto deegaan.

Geesta kale madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar [Cameey] sheegay in shacabka ku nool Lix magaalo oo Puntland ka Tirsan laga ururiyay Aragtidooda ku aaddan doorashada sannadkan 2016-ka dhacaysa, ayna sheegeen in wax lagu soo doorto hab deegaan, sidaas awgeed Puntland way kasoo horjeeddaa in wax lagu soo doorto 4.5-ka.

Banaabaxyadan ayaa kusoo beegmaya xilli madaxwenaha Puntland, C/weli Gaas oo Shir jaraa’id ku Qabtay Muqdisho uu si cad uga soo hor-jeestay Nidaamka 4.5-ka ah ee lagu go’aamiyay Shirkii wada-tashiga doorashooyinka ee Muqdisho ka socday.

Banaan.1jpg Banaan.2jpg Banaan.3jpg Banaan Banaan.4jpg