{DAAWO SAWIRADA} Dibad Bax Looga Soo Horjeda Wadaad Shiica ah Oo Lagu Dilay Saciidiga

0
507

Kumanaan ruux oo shiico ah ayaa maanta dibadbaxyo kala duwan ka dhigay dalalka laga aaminsan yahay Shiicada kadib markii maanta ay Dowlada Sacuudiga Xukun dil ah ku fulisay 47 qof.

47 qof ee dilka lagu fuliyay ayaa waxaa ku jira wadaad Shiicada Sacuudiga ka tirsanaa, waxa ayna dibad-baxyadaasi ka kala dhaceen dalalka Bahrain, Iran iyo Bangladesh oo intuba laga aaminsan yahay mad-habka Shiicada.

Shacabka dalalkaasi ku nool ayaa dhigay dibad-baxyo xoogan oo looga soo horjeeday dilka culimadaasi shiicada ahaa oo uu kamid ahaa wadaadka lagu magacaabo Nimr al-Nimr.

Dilka dadkaasi ayaa waxaa carro ka muujiyay Dowlada Iran oo sheegtay in Boqortooyada Sacuudiga ay u gaftay Mad-habka Shiicada balse ay kula xisaabtami doonaan.

Sidoo kale, Iran waxay ku hanjabtay in dilkan uu noqon doono mid horseeda burburka qoyska Boqortooyada Sacuudiga ee talada haya.

Dilka kadib ayaa waxaa Telefeshinada dalka Iran kasoo muuqday wadaadka lagu magacaabo Ayatollah Ahmad Khatami oo ka mid ah Wadaadada Shiicada Iran, waxa uuna ku hanjabay in dilkaasi uu ka danbeyn doono dilal kaasi lamid ah.

Khumeyni ayaa dilkaasi ku sheegay mid aan wanaagsanayn waxa uuna ku celcelshay inay ka aargoosan doonaan Dowlada Sacuudiga.

shiica 1 Shiica 2 Shiica 3 Shiica 4 shiica