{DAAWO SAWIRADA} Garoonka Diyaaradaha Magaalada Bullo-burte Oo Xariga Laga Jaray

0
490

Munaasabadaan oo aheyd mid xariga looga jarayay garoonka diyaaradaha Degmada Bullo-burde ee Gobolka hiiraan oo dhawaan dib u dayac tir ku sameyen shacabka ku dhaqan magaaladaasi  iyo ciidamada jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Xaflada xariga looga jarayay garoonka diyaaradaha degmada bullo burde ee Gobolka hiiraan ayaa wax aka soo qeyb galay Wasiirada Amniga Gaadiidka Caafimaadka Safiirka Jabuuti ee soomaaliya maamulka Gobolka Hiiraan kan degmada bullo burte Saraakiisha ciidamada AMISOM kuwa dowlada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaaladaasi,

Ugu horeyn waxa munaasabada ka hadlay Duqa degmada bullo-burte Cismaan geedi waxana uu shegay in maanta ay tahay maalin taarikhi ah maadaama xariga laga jaray Garoonka diyaaradaha bullo burte marxalada kala duwana laga soo maray dhismihiisa isagoona kaga mahad celiyay Ciidamada Jabuuti.

Guudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed hagar (Daba geed) ayaa sheegay in Taliska Ciidanka jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Afrika iyo dadka ku nool degmada isago sheegay in Ciidamad dalka jabuuti ee ka howlgala gobolka Hiiraan ay kaalin weyn ka qaatan horumarinta adeegyada bulshada marka laga soo tago dagalka ay kula jiran Al shabaab.

Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee Gobolka hiiraan Col’cismaan dubad oo qudbad ka jediyay madasha waxa uu shegay in ciidamada hiilwalaal oo kaa shanaya shacabka reer buullo burte dadaal u galen sidii loo dhisi lahaa garoonka diyaaradaha degmada bullo burte maantana uu yahay mid shaqa bilaabay.

Safiirka Jabuuti ee soomaaliya  ambaasator dayib dubad rooble oo kamid ahaa masuuliyiintii ka soo qeyb gashay ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay talaabada ay qaaden ciidmada jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Ugu dambeyn xaflada waxa ka hadlay wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee xukuumada Soomaaliya Cali jaamac jangali isagoo ku booriyay ciidamada Jabuuti in ay kasii shaqeeyaan Nabad galyada guud ee gobolka iyo horumarinta Adeegyada bulshada waxana  kaga mahad celiyay Ciidamada Hiil walal ee jabuuti  in muddo Todobo Sano kadib ay dib u howlgaliyeen isbitaalka guud ee degmada Bula burde ee gobolka Hiiraan iyo Garoonka Diyaaradaha Degmadasi.

Xarig jarka Garoonka.3bmp Xarig jarka Garoonka Xarig jarka Garoonka.1bmp