{DAAWO SAWIRADA} Hotel Casri ah Oo Laga Hirgaliyey Magaalada Jowhar

807

Xaflada  si heersare loo soo agaasimay isla markaana xariga loo ga jarayay hotel safa oo ah hoteelka magaalada ugu dher uguna quruxda badan ayaa manta ka dhacday magaalada jowhar

Xafladan ayaa waxaa kaso qeyb galay maamulka gobalka shabeelaha dhexe,saraakiisha ciimada qalabka sida ,siyaasiyiin ,odoyaal ,haween iyo bulshada qeybaheeda kala duwan waana hodheelka ugu dheer magaalada jowhar uguna danbeeyay dhisidiisa iyo furitaankiisaba  ayaa ka kooban 8 dabaq

ugu horeyn waxaa hadala kooban kazoo jeediyay cabdule saney cumar oo ku amaanay milkiilaha hoteelka muxiyadiin cabdulle ciyow neere inuu yahay nin wadani ah isla markaana ay ku daydaan qurbajoogta kalae ee gobalka udhalatay.

Waxaa iyana ka hadashay salaado cabdulle ciyow oo u hambalyeeysay marti sharafta kasoo qeyb gshay xaflada qiimaha iyo qaayaha badan sheegtayna inaay.

Iyadoo ay kawada hadleen nabadoon cali sheeq yuusuf iyo nabadoon maxamuud xasan xalane waxayna si sku mid ah ugu hambalyeeyeen reer cabdulle ciyoow oo dhamaan qurba jog ah gobalkana wax badan kusoo kordhiyay sida ay sheegeen nabaddoonada,

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobalka ee arimaha bulshada maxamed cismaan sugaal ayaa sheegay in qurba joogta reer cabdulle ciyoow ay udhiman tahay oo kaliya inaay warshado ku soo biiriyaan gobalka,

Gabagabadii waxaa hadalo mahadnaq iyo hambalyo isgu jira kasoo jeediyay gudoomiyaha maamulka gobalka shabeelaha dhexe cali cabdullaahi xuseen cali guudlaawe waxana uu shegay in talaabadan ay tahay mid ku dayasha mudan.

Hiranweyn (1) Hiranweyn (2) Hiranweyn (3) Hiranweyn (4) Hiranweyn (5) Hiranweyn (6) Hiranweyn (7) Hiranweyn (8) Hiranweyn (10) Hiranweyn (9)