{DAAWO SAWIRADA} Kooxa Hubeysan Oo Werar Ku Qaaday Jaamacad Ku Taala Pakistaan

0
400
Rescue workers are seen outside Bacha Khan University where an attack by militants took place, in Charsadda, northwestern Khyber Pakhtunkhwa province, Pakistan in this still image taken from a video January 20, 2016. REUTERS/Reuters TV

Kooxo hubeesan ayaa weerar culus oo isugu jira qaraxyo iyo mid toos ah waxa ay ku qaadeen Dhismaha Jaamacada Bacha Khan oo ku taal magaalada Charsadda, ee waqooyiga dalka Pakistaan.

Qaar kamid ah Kooxaha hubeesan ayaa la sheegay in gudaha u galeen Dhismaha Jaamacada ayna halkaasi ka wadaan toogasho ay u geesanayaan ardayda dhigata Jaamacada iyo waliba maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadaasi.

In ka badan 20-qof ay ku jiraan arday iyo Macalimiinta Jaamacada Bacha Khan ayaa weerarka lagu dilay. waxaa sidoo kale weerarkaasi oo ah mid wali socda ku dhaawacmay dad kor u dhaafaya 50-qof oo u badan arday.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Pakistan ayaa gudaha u galay dhismaha Jaamacada kuwaa oo doonaya in ay soo afjaraan weerarka, Saraakiil amaan oo katirsan dowlada Pakistan ayaa sheegay in la dilay labo kamid ah ragii weerarka soo qaaday.

Waxaa wali dhismaha Jaamacada Bacha Khan laga maqlayaa dhawaqa rasaas culus iyo qaraxyo, waxaana laga cabsi qabaa in qasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ay kasii bataan inta hada la ogyahay.

Bacha Khan universaty ayaa kutaala Magaalada Charsadda ayaa 140 km u jirta caasimada dalka Pakistan ee Islamabad, waxaana jaamacadaan oo ah mid aad u weyn dhigta arday gaareysa 3,000 oo arday ah .

Rescue workers are seen outside Bacha Khan University where an attack by militants took place, in Charsadda, northwestern Khyber Pakhtunkhwa province, Pakistan in this still image taken from a video January 20, 2016. REUTERS/Reuters TV

Soldiers gather outside Bacha Khan University where an attack by militants took place, in Charsadda, northwestern Khyber Pakhtunkhwa province, Pakistan in this still image taken from a video January 20, 2016. REUTERS/Reuters TV

Ambulances are seen outside Bacha Khan University where an attack by militants took place, in Charsadda, northwestern Khyber Pakhtunkhwa province, Pakistan in this still image taken from a video January 20, 2016. REUTERS/Reuters TV

Pakistan