{DAAWO SAWIRADA} Kulan Looga Hadlayay Shirkii Samadoon’2 Ee Uu Ka Geriyoday Ugaas C.Raxmaan Oo Lagu Qabtay B,weynw

0
552
?

Kulankan oo ay isugu yimaaden odayaal waxgarad aqoon yahano culimaa-udiin iyo dadweyne kale ayaa waxa loogu tacsiyadeyay geeridii ugaas cabdiraxmaan waxana sidoo kale looga hadlay shirkii samadoon 2 ee uu ka geriyoday allaha u naxariiste marxuum ugaas Cabdi raxmaan ugaas khaliif,

Dadkii ka soo qeyb galay shirka ayaa ugu horeyn si wada jir ah waxa ay kaga tacsiyadeyen geeridii ugaas cabdiraxmaan ugaas khaliif iyagoo sidoo kale soo jediyay talooyin ku aadan shirkii samadoon 2 ee ka socday Degmada B.weyne,

Xumnii kulanka ka qeyb galay ayaa ugu dambeyn isku raacay in hakad la giliyo sii socodka shirkii samadoon labo inta lagu guda jira tacsida geeridii marxuun ugaas c.raxmaan ugaas khaliif ugaas rooble,

Sidoo kale kulanka ayaa la isku afgartay in laga sii shaqeyo hormarkii nabadeyntii iyo shirkii samadoon 2 ee looga hadlayay aayaha beesha xawaadle iyo dib u dhiska garoonka diyaaradaha ugaas khaliif ee magaalada b.weyne,

Allaha u naxariiste marxuun ugaas cabdraxmaan ugaas khaliif ugaaska beesha xawaadle ayaa 3-1-2016’ka ku geeriyoday degmada baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan,

 

?

?

?

?

?

?