{DAAWO SAWIRADA} Kulan Loogu Duceynayay Marxuun Ugaas C.Raxmaan Oo Lagu Qabtay Dalka Ingiriiska

2
352

Kulan loogu duceynayay Allaha u naxariistee Marxuun Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khalif Ugaas Rooble ayaa lagu qabtay Holka Shirarka ee Capital City ee ku yaalla magaaladda London ee cariga Britain, waaxaa ka soo qeybgalay kulankaasi aqoonyahano, culimaa’udiin, Ugaasyo, siyaasiyiin, bahda Saxaafadda iyo Sports-ka.

Dadweyanahii ka soo qeybgalay kulankaani loogu duceynayay marxuun Ugaas Cabdiraxmaan , waxaa ay ku wada tilmaamay Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble inuu ahaa shaqsi ku dayasho mudan oo waqtigiisa inta badan ku bixiyey midnimada Soomaaliya iyo siddii loo heli lahaa wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo u gargaaridda dadka dhibaateysan.

Innaa Lillaahi Wa innaa Illeyhu Raajicuun, geeridu waa xaq, Marxuum Ugaas Cabdiraxmaan Ugas Khaliif Ugaas Rooble waxaan u baryayaa in Eeebbe uu janadii fardowsa ka waraafiyo, eheladii, asxaabtii iyo Soomaalida oo dhanna uu Samir iyo Iimaan ka siiyo , waxaana uu matalayaa aqoonyahanadda Soomaaliyeed waxaana aqaanaa magacyadda 17-ka ugaas ee Beesha Xawaadle soo martay ayuu Yiri Cabdiraxmaan.

Waxaa siddoo kale isna ka sheegeeyay Taariirkh-da Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble Eng Cali Cibaar oo soo bandhigay Dukumentary laga sameeyay Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif, islamarkaana waxaa Dukumentarigaani soo diyaariyay wariye Ayaanle Xusseen Cabdi oo isna madasha ku sugnaa.

Wax qabadkii Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble qaar ka mid ah ayaa lagu soo bandhigay madasha ay ka socotay kulanka loogu duceynayay marxuunka, iyaddoo la arkayay dadweyne fara badan oo ilmeynaya, maadaama muuqaal la soo bandhigay oo laga duubay marxuunka intii uu noolaa Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif ugu wada duceeyay 5-ta Soomaaliyeed inuu Alle ka qaado abaaraha, Colaadaha, uuna mideeyo.

Sidoo kale aqoonyanadda Ugaas-yadda Odayaal dhaqmeeyadda, culimaa’udiinka iyo marti saraftii faraha badney waxaa si isku wada mid ah ay Alle uga baryayeen inuu Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble uu rabi Janatul Fardowsa Geeyo, waxaana ay wada qireen inuu ahaa Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Soomaaliyeed uusan aheyn Ugaaska Xawaadle oo kaliya ah.

Ugu dambeyntii  kulankaani loogu duceynayay Allaha u naxariistee marxun Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, waxaa soo qaban qaabiyay jaaliyadda Gabadha Reer Hiiraan ee ku dhaqan London, waxaana si gooni ah loogu mahadceliyay soo qabn qaabiyaasha kulanka Marwo Sacdiyo Cumar Xobor, Maryan Xaamud, Luul Cumar Cali, Aamino Sheekh Cali, iyo qaar kale oo fara badan.

Kulan tacsi (2)Kulan tacsi (1)

Abdifitah Ali Shirwac Radio Hiiraanweyn

London, Uk.

Comments are closed.