{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Burundi Oo Ka Digay In Dalkiisa La Geeyo Ciidama Ka Socda AU

0
591

Madaxweynaha Dalka Burundi, Pierre Nkuruziza ayaa ka soo hor-jeestay in Dalkiisa la geeyo Ciidammo Nabad-ilaalinta ah oo ka socda ururka Midowga Afrika, kaddib kulan uu Bujumbura kula qaatay Wufuud ka socotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo booqday Bujumbura.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si weyn niyad-jab uga muujiyay kulankii ay Nkurunziza maalin ka hor la yeesheen, kaddib markii uu diiday inuu saxiixo heshiis ciidammo ka socda Midowga Afrika lagu geynayo dalkiisa, si loo xasillooni loogu soo dabaalo waddadnkaas.

Hoggaamiyeyaasha Qaaradda Afrika ayaa waxay toddobaadka soo socda yeelan doonaan shir-madaxeedkoodii sannadlaha ahaa, iyadoo dublamaasiyiintu ay ku warramayaan in la eegi doono waxa kasoo baxa shirkaas, gaar ahaan arrinta ku aaddan dalka xasaradaha ka aloosan dalka Burundi.

Bishii hore ayuu Midowga Afrika wuxuu ku dhawaaqay inuu dalka Burundi u dirayo 5,000 oo Askari oo Nabad-ilaaliyeyaal ah, si ay u Difaacaan shacabka inta badan Dhibaatooyinka loogu geysanayo dalkaas, balse waxaa qorshahaas ka horyimid Madaxweyne Nkurunziza.

Tan iyo markii ay rabshaduhu ka billowdeen dalka Burundi, waxaa la dilay in ka badan 439-qof oo shacab u badanaa; iyadoo dalkaas ay isaga carareen 220,000 oo qof, kuwaasoo si magan-galyo ahaan ah ugu nool dalalka dariska ah Burundi.

Sidoo kale, Midowga Afrika ayaa sheegay inuu Waddanka Burundi u dirayo 100-qof oo kormeerayaal xuquuqda aadanaha ah, laakiinse illaa hadda waxaa gaaray 10 ka mid ah xubnahaas, kuwasoo weli ku jira hoteelkii la dajiyay, isla markaana aan weli billaabi howshooda, sababo la xiriira Xukuumadda Bujumbura oo aan si rasmi ah u ogolaan shaqadooda.

Warbixinnada laga helayo dalka Burundi ayaa sheegaya inay sare u sii kacayaan xad-gudubyada lagu kacayo shacabka, iyadoo shaki laga qabo inay xoogeystaan haddii aan si dhaqso ah wax looga qaban.

Bishii July ee sannadkii hore ayaa waxaa dhinacyada ku muransan dalka Burundi wadahadallo uu dhexdhexaadiye ka ahaa madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni u qabtay EAC, laakiin wax Horumar ah lagama sameyn dhowr kulan oo dhinacyada la isugu keenay si ay heshiis u gaaraan.

Danjiraha Masar ee Qaramada Midoobay, Amr Aboulatta ayaa ku taliyay in howsha ciidamada lagu geynayo Burundi si tartiib-tariib ah loo bilaabo lana geeyo dalkaas ciidammo booliis ah, kaddibna ciidammo awood leh oo nabad ilaalineed lagu xijiyo.

Burundi.1jpg Burundi.2jpg Burundi.3jpg Burundi.4jpg Burundi