{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Iyo Wafdigiisa Sida Loogu Soo Dhaweyay Jowhar

0
629

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh.dhexe ayaa siweyn loogu soo dhaweyay.

Wafdiga Madaxweyne Xasan waxaa ka mid ah, Wasiirka Amniga Qaranka Wasiirka arrimaha gudaha, Madaxweynaha maamulka Galmudug, Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland, Xildhibaano iyo wasiiro kale oo ka tirsan Xukuumadda.

Xumnaha Wafdiga waxa Garoonka diyaaradaha Jowhar ku soo dhoweeyay Wasiiro, Xildhibaano, Guddoomiyeyaasha Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, odayaal dhaqameedyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada labada Gobol.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf kaga qaatay garoonka diyaaradaha Cutubya katirsan ciidamada dowlada iyadoona intaasi kadib loo galbiyay wafdiga madaxweynaha Gudaha Magaalada.

Xasan sheikh Maxamud madaxweynaha soomaaliya ayaa la filaya inuu maanta furo shirka maamulka Loogu sameynayo Gobolada hiiraan iyo Sh/dhexe Waxana Maamulkaasi lagu wada in waqti kooban lagu soo gabagabeyo.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Xasan 4 Xasan 5

Sawir Qaade:-Maxamed Cismaan Makaraan

Radio Hiiraanweyn Magaalada Jowhar,