{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Jubaland Oo Ku Hanjabay Inuu La Dagaalami Dono Al.shabaab

0
839

Ciidamada Jubland.5jpgMadaxweyna jubaland oo xiran tuutaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya, sidoo kalena hor taagan boqolaal ka mid ah ciidamada Jubbaland iyo kuwa Isku dhafka ah ee lagu diyaarinayo Xero ku taallo Magaalada Kismaayo, ayaa ku hanjabay inay qaadayaan weeraro ka dhan ah Shabaabka.

Axmed Madoobe wuxuu sheegay qorshaha inuu yahay sidii loo wajihi lahaa Deeganada iyo Degmooyinka ka maqan Maamulka Jubbaland ee gacanta ugu jira Shabaabka.

Waxa uu tilmaamay ciidamada Xooga dalka Somaliya iyo kuwa Jubbaland intaba in laga doonaayo inay u adkeystaan duruufaha kala duwan ee ku xayndaaban tababarka.

Waxa uu intaasi hadalkiisa raaciyay in ciidamada Qaranka Somaliya la doonaayo inay bedelaan ciidanka AMISOM ee howlgalka Somaliya u jooga.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay Madaxweynaha Jubbaland Xero ciidamada lagu tababaro oo ku taallo Magaalada Kismaayo oo uu shalay booqday.

Ciidamada Jubland Ciidamada Jubland.5jpg Ciidamada Jubland.2jpg Ciidamada Jubland.1jpg Ciidamada Jubland.4jpg