{Daawo Sawirada} Madaxweyne Barack Obama oo iska ilmeeyay xili uu shir Jaraa’id qabanaayay

0
543

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa la ilmeeyay dhibaatada hubka uu ku haayo shacabka Mareykanka, isagoo ku dhawaaqay tallaabooyin lagu xakameynayo qaabka hub iibasashada.

Obama oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad ayaa waxaa uu ku dhaliilay aqalka Congress-ka sida ay tallabooyinkan u baal mareeyn, isla markaana ka soo saarin sharci adag oo lagu xakameynayo Hubka.

Mr Obama ayaa indhihiisa ay ilmo ka soo daadatay, intii uu ku guda jiray shirkiisa Jaraa’id, waxaana uu muujiyay sida uu uga xun yahay dhibaatooyinka uu sababo hubka.

Sidoo kale Obama ayaa sheegay in hubka gacanta ugu jira shacabka Mareykanka ay dad badan macno la’aan ugu dhinteen.

Tallaabadan cusub ee uu soo saaray Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxaa uu xadidayaa dadka hubka iibiya inay helaan ruqsad, isla markaana dadka iibsanaya la eegayo taariikhdooda nololeed, inta aan hubka laga iibin.

Sanadihii u dambeeyay ayaa waxaa dalka Mareykanka ka dhacayay toogasho ay geysanayeen dad kala duwan, waxaana lagu tilmaamay soo noq noqoshada weerarada lagu fuliyo hubka inay tahay dadka hubka iibiya oo aan sharci adag laga soo saarin.

oohin-obama-1 oohin-obama-2 oohin-obama-3 oohin-obama-4