{DAAWO SAWIRADA} Meydadka Askartii Lagu Laayay Ceel-cade Oo La Geeyay Kenya

0
697

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa la gaarsiiyay meydadka Afar ka mid ah ciidamada Kenya ee lagu dilay weerarkii ka dhacay Deegaanka Ceel Cadde oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Diyaarad siday meydadka askartaasi, ayaa waxaa Garoonka Wilson ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Kenya, haweeneyda lagu magacaabo Raychelle Omamo iyo Taliyaha Ciidanka Militariga Kenya, General Samson Mwathethe.

Wasiiradda oo Warbaahinta la hadashay, ayaa xaqiijisay inay la soo gaarsiiyay meydadka afar ka mid ah Ciidanka Gobolka Gedo looga dilay, isla-markaana uu sii socon doono hawlgalka lagu soo samata bixinaayo askarta maqan.

“Waxaanu helnay meydadka afar ka mid ah geesiyaasheena, hawlgalku wuu sii socon doonnaa. Waan ku wargelin doonnaa muwaadiniinteena, horumar kasta oo ayno samayno.” Ayay tiri Raychelle Omamo.

Askarta Kenya Askarta Kenya.2jpg Askarta Kenya.1jpg Askarta Kenya.3jpg Askarta Kenya.4jpg Askarta Kenya.5jpg Askarta Kenya.6jpg