{DAAWO SAWIRADA} Munaasabad Lagu Taagerayay Musharax C.raxmaan Xuseen Cadow Oo Lagu Qabtay B.weyne

0
643
????????????????????????????????????

Munaasabadan oo ay kasoo qeyb galen xumna kamid ah maamulka Gobolka Hiiraan Odayaal waxgarad aqoonyahano ururka dhalinyarada hawen waxa lagu taagerayay musharixii ugu horeyay ee isku soo taago madaxweynaha maamulka Hiiraan iyo Sh.dhexe C.raxmaan xuseen cadoow,

Dadkii ka soo qeybgalay munaasabada oo ayaa shegay iney soo dhaweynayaan musharax C.raxmaan xuseen cadow isla markaana uu yahay shaqsi u qalmo xilka madaxweynaha maamul Goboledka Hiiraan iyo Shabelaha dhexe,

Sidoo kale mada ay ka dhaceysay munaasabada waxa ka hadlay sheikh xuseen cismaan cali oo kamid ahaa masuuliyiintii ka soo qeyb gashay waxana uu shacabka ku dhaqan Gobolka Hiiraan ugu baaqay iney taageraan Musharaxa u taagan qabashada madaxweynaha maamul ay shegaan Goboladaasi,

Musharax C.raxmaan xuseen Cadow oo ugu dambeyn xaflada lagu taagerayay ka hadlay ayaa waxa uu ka shekeyay waxyaabaha uu qaban dona hadii loo dorta madaxweynaha maamulka Hiiraan Iyo shabelaha dhexe waxana uu balan qaaday inuu wax ka qaban dono arimaha ay kamid yihiin amaanka cadaalada masumaasuqa shaqa la’aanta iyo waxyaabo kale.

Ugu dambeyn musharax C.raxmaan xuseen cadoow oo ah shaqsi ku cusub masraxa siyaasada ayaa isaga iyo xisbigiisa waxa ay dadaal ugu jiraan sidii mar uun ugu guleysan lahaayen xilka madaxtinimada maamulka Hiiraan iyo sh/dhexe wallow ay jiraan musharixiin badan oo tartan ugu jira madaxweynaha Hiiraan iyo Shabelaha Dhexe,

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????