{DAAWO SAWIRADA} Odayaasha Iyo Waxgaradka Gobolka Hiiraan Oo Kasoo Horjestay Shirka Jowhar

1
838

Kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Beledweyne odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Gobol Hiiraan ayaa siweyn kaga soo horjestay shirka maamulka Loogu sameynaya Gobolada Hiiraan iyo sh.dhexe eek a socda Jowhar.

Shirka oo ay ka qayb-galeen oday-dhaqameed, Waxgarad, Dhallinyaro, Haween iyo qeybo kala duwan oo bulshada  ayaa siddoo kale waxaa joogay oo ka qeyb-galay xubno ka tirsan ergadii ka qeyb-gashay furitaankii shirka Jowhar 12-kii bishan, kuwaa oo idb ugu soo laabtay magaalada Beledweyne.

Nabadoon Faarax Cabdi Waare oo ka mid ah odayaashii dhaqanka ee ka qayb-galay shirka Jowhar ayaa wuxuu sheegay in waddadii uu shirku ku socday laga weeciyay, kaddib markii talada iyo qorshaha dhismaha maamulka labada gobol lagu wareejiyay shaqsiyaad gaar ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale, wuxuu si gaar ah ugu eedeeyay wasaarada arrimaha gudaha inay u maamushay qorshaha socda si aan hagaagsanayn, kaddib markii ay si cad ugu tumatay Saami-qaybsiga beellaha iyo sida ay deegaannada u kala deggen yihiin.

”Anniga waxaan is leeyahay waxaa shirka soo xiray oo ugu tala-galay inuu bur-buro kuwa soo qoray liiska sida beelahu u kala heleen tirada odayada dhaqanka ee soo xulaya ergada, kuwaasoo aan ku shaqeyn xog-ogaalnimo, sidaa awgeed inta bulshada gacanteeda lagu soo celinayo tallada iyo maamulka shirka waxaan is leenahay halkaa gogol kama furna” ayuu yiri nabadoon Faarax.

Geesta  kale Nabaddoon Faarax Cabdi Raage oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dowladda muddo 48-saac ah u qabtay beellaha in ay uga soo qayb-galaan Shirka Jowhar, isagoo arintaas ku tilmaamay Qayb ka mid ah Qorshaha shirka lagu fashilinayo.

Sidoo kale Nabadoon Shuuriye Xuseen Xaayoow ayaa isna ugu baaqay xildhibaannada iyo xubnaha ku matala gobolka Hiiraan dowladda federaalka Soomaaliya inay kasoo qayb-galaan shirweyne wadda-tashi ah oo dhawaan ka furmaya magaalada Beledweyne.

Dadka sida weyn ula socda Muranka iyo is-qab-qabsiga Siyaasadeed ee ka aloosan Shirka dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa meesha ay Dhaliishu ka jirto ku Tilmaamaya Maqaanishaha Guddi Farsamo oo ay u dhan yihiin Beelaha labada gobol, kuwaasoo loo baahnaa in ay dowladda ku wareejiso socodsiinta shirka, halka hadda Wasaarrada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ay toos u maamuleyso shirka.

Odayaasha Odayaasha 6 Odayaasha 1 Odayaasha 4 Odayaasha 8 Odayaasha 7 Odayaasha 2 Odayaasha 3 Odayaasha 5 Odayaasha 11 Odayaasha 10 Odayaasha 9

Comments are closed.