{DAAWO SAWIRADA} Qarax Ka Dhacay Ka Dhacay Magaalada Istaanbuul Ee Dalka Turkiga

1
440

Qarax qasaaro kala duwan dhaliyay ayaa ka dhacay goob loo dalxiis tago oo kutaala bartamaha Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, gaar ahaan fagaaraha Sultanahmet oo ah goob ay inta badan tagaan dadka dalxiisayaasha ah.

Inta la xaqiijiyay qaraxaasi waxaa ku dhintay ku dhawaad 10-qof halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, waxaana suurto gal ah in ay sii kordhaan qasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay magaalada Istanbuul.

Lama oga qaraxan ka dhacay magaalada Istanbuul waxa uu ka dhashay, mana jirto ilaa hada cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyadan qaraxan qasaaraha kala duwan dhaliyay ee ka dhacay dalka Turkiga.

istanbul.1jpg istanbul.2jpg istanbul

Comments are closed.