{DAAWO SAWIRADA} Shirkii Kismaayo Oo Ku Soo Dhamaaday Fashil Iyo Is Afgarawaa

0
317

Shirweeynihii qaran ee looga tashanayay aayaha dalka Soomaaliya kaa oo ay ka qeybgaleen madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada iyo masuuliyin kale ayaa manta lagu soo gabagabeyay magaalada Kismaayo.

Shirkan oo socday mudo afar maalmood ah ayay madaxdu siweyn uga doodeen qodobo dhowr ah oo ay isku hayeen, walow qaar kamid ah qodobadaasi ay adkaatay in ay xal ka gaaraan amaba ay tanaasulaad isu sameeyaan.

Raysul wasaaraha dowladda Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo warbaahinta la hadlay xilli isaga iyo madaxweeynaha ay ka duuli rabeen garoonka Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay in shirku soo xirmay qodobo qaar la isku afgartay, kuwa kale ee dhimanna ay dib ambaqaadi doonaan.

Sidoo kale R/ wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo sheegi doonto xilliga la isu soo laaban doono, balse waxa uu xusay in ay jiraan qodobo la isku mari waayay.

Madaxweeynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud, Raysul wasaaraha, Madaxweeyneyaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo xubnihii ku wehlinayay safarkooda ayaa mar qura ka duulay garoonka Kismaayo.

Arintan ayaa muujineeysa in shirkii uu kusoo idlaaday fashil, madaxda Soomaaliyeedna ay xal ka gaari waayeen hannaanka loo marayo doorashooyinka dalka ka dhici doona dabayaaqada sanadka.

Lama garanayo tallaabada xigi doonto, balse arintan ayaa niyadjab ku ah umadda Soomaaliya oo iyagu indhaha ku heeysay shirka ka socday Kismaayo ee looga tashanayay aayaha dalka.

shirka kismaayo.1JPG shirka kismaayo.2JPG shirka kismaayo.3JPG shirka kismaayo.4JPG shirka kismaayo.5JPG shirka kismaayo