{DAAWO SAWIRADA} Sida Loogu Dabaal Dagay Sanadka Cusub Ee 2016’ka

0
870

Dalalka caalamka ayaa si weyn looga dabaal degay sanadka cusub ee 2016, iyadoo dalalka Mareykanka iyo Canada ay wali ka socdaan xafladaha, maadaama ay saacado badan ka dambeeyaan wadamada kale ee caalamka.

Hal Milyan oo dad ayaa isugu soo baxay fagaaraha Times Square ee magaalada New York, si ay u daawadaan dabaal dega sanadka cusub.

Sidoo kale Caasimada Brazil ee Rio de Janeiro ayaa dad badan isugu soo baxeen, gaar ahaan xeebteeda caanka ah ee Copacabana, iyadoo mar qura markii saacada ku dhacday 12-ka saq dhexe cirka loo riday buler iyo waxyaabo kalaro kala duwan lahaa.

Goor sii horeysay dalalka Yurub ayay ka dhaceen dabaal degyada, inkastoo ammaanka si weyn loo adkeeyay, maadaama laga cabsi qabay weeraro Argagixiso.

Japan ayaa iyana waxaa ka dhacay dabaal deg aad u weyn oo lagu soo dhoweynayay sanadka cusub, iyadoo daarta Tokyo Tower midibo kala duwan ka muuqday, sidoo kale Koofur Korea ayaa iyana dabaal degyada ka dhaceen.

Wadamada Australia iyo New Zealand ayaa dabaal degyo waa weyn ka dhaceen, inkastoo ay qaaradaha kale ee adduunka kaga horeeyeen dabaal dega sanadka cusub.

Magaalooyinka London, Paris, Munich, Helsing, Amesterdam, Viena iyo kuwa kale oo Yurub ka tirsan ayaa dabaal degyada ka dhaceen.

Dalka Masar ayaa iyana ka mid ahaa meelaha looga dabaal degay, sidoo kale Ciraaq ayaa dabaal degyo aan horay loo arag ka dhaceen, gaar ahaan magaalada Basra.

Magaalada Dubai ayaa waxaa iyana sida looga bartay dabaal dega sanadka cusub ay xaflado waa weyn ka dhaceen, inkastoo uu hareeyay dab qabsaday dhismo dheer oo ku dhow daarta adduunka ugu dheer ee Burj Khaliifa.

Sanadka.1jpg Sanadka.2jpg Sanadka.3jpg Sanadka.4jpg Sanadka.5jpg Sanadka.6jpg Sanadka