{DAAWO SAWIRADA} Taliyaha Ciidamada Amisom Ee G.Bolka Hiiraan Oo Si adag U lada Dardaarmay Ciidamada Dowlada Ee Sugan Dagmada B/ Burde

0
871

Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee Gobolka Hiiraan Col’Cismaan dubad ayaa bogaadiyay howlgalka ciidamada dowlada ay ka sameyaan degmada Buullo burte ee Gobolka hiiraan iyo degaanada hoosyimaada oo ay kula dagaalamayaan al,shabaab,

Col’Cismaan dubad oo lahadlayay boqolaal ka tirsan ciidamada ee degmada buullo burte ayaa shegay in dhismaha ciidamada laga  soo maray marxalada kala duwan waxana uu amaanaya heerka ay manta joogaan.

‘’Dhismaha Ciidamadan laga soo bilaabo magaalada baledweyne iyo manta oo aan ku suga nahay degmada buullo burte waxa ay soo maren marxalada kala duwan waxa jiray waqti ay ahaayen macaawisleey  laakiin manta waxa ay yihiin ciidama qaran’ Sidaasi waxa Yiri Taliyaha ciidamada Jabuuti,

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee Gobolka Hiiraan Col’ cismaan dubad waxa uu kula dardaarmay ciidamada dowlada in ay ka fogaadan wax kasta oo wax u dhimaya qaranimada soomaaliya iyo dagaal beledyada dhaca xiliyada qaar.

‘’Waxa aad ka fogaataan waxyaabaha wax u dhimaya jiritaanka qaranimada soomaaliya jiritaanka ciidamada qaran maaha in aad ka qeyb qaadataan dagaal beledyada dhaca waqtiyada qaar maxaa yelay waxa tihiin ciidamada qaran ogaada waxa Hogan tihiin calankii soomaaliyed’ Ayuu yiri taliyaha ciidamada jabuuti,

Bogaadinta taliyaha ciidamada jabuuti ee Gobolka hiiraan uu sameyaya ciidamada dowlada soomaaliya ee ka howlgala Magaalada buullo burte ayaa imaaneysa xili maalmihii ugu dambeyay howlgala ay kula dagaalamayaan al.shabaab ay ka waden degaana hosyimaada degmada buullo burte,

Dhiiri Gilinta Ciidamada (1) Dhiiri Gilinta Ciidamada (2) Dhiiri Gilinta Ciidamada (3) Dhiiri Gilinta Ciidamada (4) Dhiiri Gilinta Ciidamada (5) Dhiiri Gilinta Ciidamada (6) Dhiiri Gilinta Ciidamada (7) Dhiiri Gilinta Ciidamada (8) Dhiiri Gilinta Ciidamada (9) Dhiiri Gilinta Ciidamada (10) Dhiiri Gilinta Ciidamada (11) Dhiiri Gilinta Ciidamada (12) Dhiiri Gilinta Ciidamada (13) Dhiiri Gilinta Ciidamada (14)

Maxamed Cismaan Makaraan

Radio Hiranweyn Bullo burte