{DAAWO SAWIRADA } Wariye Max’ed Ibraahim Macalimow Oo xaladiisa caafimaad soo hagaageyso

0
559

max’ed ibraahim Macalimow oo ka mid ahaa wariaasha BBC-da ayaa ka mid noqday dadkii ku dhaawacmay weerarka kooxo hubeysan ay ku qaadeen mid ka mid ah Hotelada ku dhow Xeebta Liido degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.

Dhaawaca Macalimow ayaa hada lagu dabiibayaa cisbitaalka Daaru-shifaa ee magaalada Muqdisho,waxaana dhaawac wariyaha uu ka gaaray qeybta sare ee jirkiisa gaar ahaan madaxa,waxaana dhaqaatiirta haatan ku dadaalayaan sidii ay u baxnaanin lahaayeen.

Max’ed ibraahim Macalimow iyo wariyaal kale ayaa ku sugnaa Hotelka la weeraray,waxayna ku kala carareen markii qaraxu dhacay qeybo ka mid ah qolalka Hotelka oo dadka qaarkii firirka uu ugu tagay.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarka caawa,waxaana hada wali la maqlayaa rasaas,halka marar qaar la maqlayo jug culus oo Qarax u muuqda.

Sidoo kale,waxaana jira mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir oo weerarka caawa waxyeelo uu ka soo gaaray

 

1

3