{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Amniga OO Ka Qeybgalay Salaadii Janaasada Iyo Meydka Ugaas C.Raxmaan Oo Loo Qaaday Daaro Ugaas

0
414

Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya c.risaaq cumar maxamed oo ay wehliyaan xildhibaano katirsan baarlamaanka ayaa manta ka qeybgalay Salaadii Janaasada ee lagu kadaya Meydka Marxuun Ugaas C.raxmaan Ugaash Khaliif ugaas Rooble oo 3-1-2016’ka ku geeriyoday ee magaalada Baledeweyne.

Salaadii Jinaasada meydka waxa lagula dukadaya garoonka kubada cagta laqanyo ee ku yaala duledka degmada b.weyne waxana sidoo kale salaada janaasada kasoo qeyb galay maamulka Gobolka Hiiraan kan degmada B/weyne ugaasyo culimaa-udiin iyo boqolaal shacab ah.

Wasiirka amniga c.risaaq cumar maxamed oo salaadii janaasada kadib la hadlay Radio hiiraanweyn ayaa umada soomaaliyed kaga tacsiyadeyay geeridii ugaas cabdiraxmaan ugaas khaliif waxana uu shegay in marxuum ugaas c.raxmaan uu ahaa shaqsi jeclaa islaax beyna naas.

‘’Dadka soomaaliyed waxa alla ugu baryaya inuu Samir iyo iimaan naga wadasiiyo marxuum ugaas cabdiraxmaan ugaas khaliif isagan janatul fardowsa kitaabkisana gacanta midig alla haka  siiyo runtii waxa uu ahaa ugaas soomaaliyed oo ka shaqeyn jiray xalinta iyo dib u heshiisiinta dadka soomaaliyed waana la xasuusan dona mr walbo sidaasi waxa yiri’’ Wasiirka Amniga c.risaaq cumar Maxamed,

Allaha u naxariistee Ugaas C.raxmaan Ugaash Khaliif oo maalintii axada aynu kasoo gudubnay ku geriyooday magaalada baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa salaadii janaasada kadib loo qaaday qabuuraha daaro ugaas ee hosyimaada Degmada Halgan si halkaasi loogu aaso,

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Sawir qaade:-Cabdi Axmed Xuseen

Radio Hiiraanweyn  Magaalada B.weyne